Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoomiyaha Sool oo Dhaawacmay


Laascaanood
Laascaanood

Guddoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Somaliland, Faarax Askar Xuseen, ayaa ku dhaawacmay qarax xooggan oo lala beegsaday.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay qaraxaas, waxayna warar horudhac ah sheegayaan inuu ku geeriyooday mid kamid ah shaqaalaha guddoomiyaha gobolka.



Dhaawaca guddoomiyaha ayaa durbadiiba loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Burco. Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay miino kuwa dhulka lagu aaso ah oo meel dheer laga hagayey.



Ma jirto cid illaa haatan sheegatay qaraxaas, ha yeeshee wuxuu qaruxu u muuqdaa inuu qeyb ka yahay qaraxyo taxane ah, oo toddobaadyadii lasoo dhaafay lala beeganayay masuuliyiinta gobolka.



Magaalada Laasacaanood ayaa xuddun u ah dhul ay ku muransan yihiin maamullada Somaliland iyo Puntland.

XS
SM
MD
LG