Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Xukuumadda oo Isla Caawa la Dhaariyay


Golaha Xukuumadda oo Isla Caawa la Dhaariyay
Golaha Xukuumadda oo Isla Caawa la Dhaariyay

Xafladda Dhaarinta waxay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, saddexda mas'uul ee ugu sarreysa dowladda ayaa goob joog ka ahaa.

Xafladda lagu dhaarinayay wasiirada waxay ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, iyadoo ay goobta wada joogeen saddexda mas’uul ee ugu sarreysa dowladda KMG ah.

Dhaarinta ka dib, waxaa halkaasi hadal ka jeediyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay in hawl culus ay u taallo wasiirada loona baahan yahay inay ka soo dhalaalaan.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo halkaasi ku ballanqaaday in baarlamaanku uu la shaqeyn doono xukuumadda, isagoona ugu baaqay beesha caalamka inay gacan siiso dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxyaabihii laysku khilaafayna ay qeyb ka yihiin nidaamka dimoqraadiyadda.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi hadal ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mahadcelin u jeediyay baarlamaanka, wuxuuna inay midnimo iyo wadashaqeyn ugu baaqay hay’adaha dowladda.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda cusub ayaa gudo geli doonta hawlaheeda ka dib markii ay ansixin ka heshay baarlamaanka, Iyadoo hawsha ugu ballaaran ee hortaalla ay tahay sidii ay uga adkaan lahaayeen kooxaha ka soo horjeeda ee laf dhuungashay ku noqday dowladda.

XS
SM
MD
LG