Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha wasiirrada oo la Dhameystiray


Golaha wasiirrada oo la Dhameystiray
Golaha wasiirrada oo la Dhameystiray

Ra'iisul-wasaare C/weli Cali ayaa dhameystirayay golihiisa wasiirrada, isagoo magacaabay 9 wasiirul-dowlayaal iyo 18 wasiir ku-xigeenno

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa maanta dhameystiray golihiisa wasiirada, isagoo magacaabay 9 wasiiru-dowlayaal iyo 18 wasiir kuxigeenno.

Xubnahan maanta la magacaabay ayaa isugu jira kuwo cusub iyo kuwo horay xil uga soo qabtay xukumaddihii hore, waxaana meesha ka baxay xubnihii wasiir kuxigeennada iyo wasiiru dowlayaasha horay uga mid ahaa xukuumaddii Farmaajo si la mid ah golahiisa wasiirada hore.

Liiskan cusub ayaa waxaa ku jira illaa 6 wasaaradooda oo markii ugu horreysay loo magacabaay min labo wasiir ku xigeen.

Golaha wasiirrada cusub ee a lagu dhawaaqay ayaa la horgayn doonaa baarlamaanka maalmaha soo socda si codka kalsoonida loogu qaado.

XS
SM
MD
LG