Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Ammaanka oo Ka Hadlay Maxkamadeynta Burcadbadeeda


Golaha Ammaanka oo Ka Hadlay Maxkamadeynta Burcadbadeeda
Golaha Ammaanka oo Ka Hadlay Maxkamadeynta Burcadbadeeda

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay arbacadii fadhi ka yeeshay warbixin ku saabsan maxkamadeynta burcadbadeeda.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay bilaabeen inay ka arrinsadaan warbixin cusub oo uu u soo gudbiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon taasoo faah faahin ka bixineysa todobo arrimood oo ku saabsan maxkamadeynta mustaqbalka ee dadka burcadbadeednimada looga shakiyo.

Waxyaabaha ay warbixintani ku talineyso waxaa ka mid ah in la xoojiyo maxkamadaha ka dhisan gudaha Soomaaliya iyo dalal kale si loo dhiso maxkamad cusub oo caalami ah.

Sida ku xusan warbixinta, tirada weerarada burcadbadeednimo ee laga geysanayo meelaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya ay ka sii darayaan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon wuxuu Golaha Ammaanka u sheegay in todobadii bilood ee la soo dhaafay ay meelo ka baxsan xeebaha Soomaaliya ka dhaceen 139 weerar, 30 ka mid ah weeraradaasi waxaa lagu afduubtay 30 markab.

Wuxuu sheegay in beesha caalamku ay saddexdii sano ee la soo dhaafay si aad ah ugu dadaashay inay ka hortagto dhibaatadaasi, laakiin wuxuu intaa raaciyay in dadaalka la sii badin karo.

XS
SM
MD
LG