Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Geelle oo Djibouti ku Qaabiley Shariif


Madaxweyne Geelle
Madaxweyne Geelle

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sh. Axmed

Safarka madaxweyne Shariif ee dalka Djibouti ayaa lagu sheegay inuu yahay marti qaad rasmi ah oo u ka helay madaxweynha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Sheekh Shariif, wareysi gaaban oo uu VOA-da siiyay ayuu ku sheegay in kulanka uu la qaatay madaxweynaha Djibouti ay ka wada hadleen arrimaha ee Somalia iyo kaalinta ay Djibouti ka qaadan karto arrintaasi. Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo ciidamo ka socda dalka Djibouti oo lagu kordhiyo ciidamada nabad-ilaalinta ee ku sugan dalka Somalia.

Madaxweyne Shariif ayaa intii uusan soo gaadhin Djibouti, wuxuu soo maray magaalada Addis Ababa ee Ethiopia, isagoo la kulmay madaxda dalkaasi. Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu sidoo kale Hotel-ka uu ka daganaa Addis Ababa kula kulmay C/raxmaan Faroole, madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland.

XS
SM
MD
LG