Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Gobolka Gedo


Dagaal ka Dhacay Gobolka Gedo
Dagaal ka Dhacay Gobolka Gedo

Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalka uu khasaarihiisa ugu badan soo gaaray dhinaca kooxda al-Shabaab.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saakayto deegaano ka tirsan gobolkaasi ay dagaalo ku dhexmareen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa ahlu-Sunna waljamaaca oo isku dhinac ah iyo xoogagga al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen tuulo lagu magacaabo Barwaaqo, oo qiyaastii 20KM u jirta magaalada Garbahaaray ee xarunta gobolka Gedo.

Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegay inuu yahay guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah ayaa VOA-da u sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 36 qof oo dhinaca al-Shabaab ka tirsan, halka dhinacoodana uu sheegay inuu dagaalkaasi kaga dhintay hal askari 5 kalena kaga dhaawacantay.

Ma jiraan ilo madaxbanaan oo ka warramaya khasaaraha dhabta ee dagaalkaasi.

Guddoomiyaha ayaa beeniyay warar sheegayay in dad rayid ah lagu dilay tuulada Barwaaqo, hase yeeshee wuxuu sheegay in ay jiraan dad ay nolosha ku qabteen, lana soo taagi doono maxkamad si caddaaladda loo marsiiyo.

Dagaalka ayaa hakad ku yimid ka dib markii ay roobab ka curteen gobolkaasi Gedo oo ay abaaro ba’an ka jireen.

XS
SM
MD
LG