Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gebilay oo lagu Qabtay Shir ku Saabsan Af-Soomaaliga


Gebilay oo lagu Qabtay Shir ku Saabsan Af-Soomaaliga
Gebilay oo lagu Qabtay Shir ku Saabsan Af-Soomaaliga

Gebilay waxaa ka dhacday xaflad looga hadlay halista ay luuqadaha kale ay ku hayaan af-Sooomaaliga.

Magaalada Gebilay ee Somaliland ayaa lagu qabtay xaflad looga hadlayay Af-Soomaaliga iyo barabixinta ay ku hayaan luuqada ajnabiga.

Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo qoray buugaag badan oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in luuqaddu ay u baahan tahay barbaarin iyo ilaalin joogta ah.

Wuxuu soo hadal qaaday erayo badan oo laga soo qaatay luuqado kale oo af-Soomaaliga loo adeegsado.

Cabdirisaaq Sheekh Aadam, guddoomiye ku xigeenka gobolka Gebilay oo ka qeybgalay xafladdaasi ayaa walaac ka muujiyay magacyada luuqadda Ingiriiska ah ku qoran. Wuxuu ka codsaday duqa degmada Gebilay inuusan u oggolaan ruqsad in la siiyo mehradii la baxeysa magac qalaad.

Xafladdan waxaa soo qaban qaabiyay Naadiga Timo Cadde ee ka dhisan Soomaaliland.

XS
SM
MD
LG