Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garissa: Dagaal dhexmaray laba Beellood


Shirka arrimaha Soomaaliya ee Japan
Shirka arrimaha Soomaaliya ee Japan

Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay kaddib markii dagaal ka dhashay muran dhul uu dhexmaray laba beellood, balse waxaa socda dadaallo nabadeed.

Magaalada Gaarisa ee dhinaca waqooyiga bari ee Kenya waxaa saddexdii maalmood ee u danbeeyay ka dhacay dagaallo dhexmaray laba beelloood. dagaalkan ayaa ka dhashay muran dhul ay leedahay dowladda Kenya oo ay labada beelood isku qabsadeen.

Dagaalkan ayaa la isku isticmaalay baangaddo, warramo iyo alwaax masaamiiraysan, waxaana ku geeriyooda 4 ruux, iyadoo sidoo kale ay dad badani ku dhaawacmeen, guryana lagu gubay.

Magaalada Gaarissa waxaa haatan ka socda dadaallo lagu soo afjarayo collaadaasi. Madax uu ka mid yahay wasiirka gaashaandhiga ee Kenya iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa wadda qorshaha colaaddaasi lagu soo afjarayo waxayna kullamo la yeesheen odoyaal dhaqameedyada labada beelood.

XS
SM
MD
LG