Isbitaalka Koonfureed ee Magaalada gaalkacyo waxaa ka soconaya howl indhaha loogu fiiqayo dad kor u dhaafaya 800 Qof.
Indho-fiiqistan oo lacag la'aan ah ayaa bilaabatay maalintii khamiista ahayd, waxayna soconaysaa muddo 5 cisho ah. Howshan waxaa iska kaashanaya Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF HOLAND iyo Al-Nuur Foundation.
Dadka indhaha loo fiiqayo ayaa ka kala yimid dhamaan gobollada dalka Somalia.