Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaalkacayo: Imaam iyo Ganacsade ayaa la Xiray


Gaalkacayo: Imaam iyo Ganacsade ayaa la Xiray
Gaalkacayo: Imaam iyo Ganacsade ayaa la Xiray

Dad ka careysnaa xarigga raggaasi ayaa rabshado ka sameeyay magaalada, kuwaasoo xiray waddooyinka isla markaana dab qabadsiiyay taayarada baabuurta.

Ciidamada Ammaanka ee Puntland ayaa shalay gelinkii dambe magaalada Gaalkacayo ku qabtay labo nin oo mid ka mid ah uu ahaa imaamka masjidka Salaaxuddiin ee ku yaalla dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

Ninka labaadna waxa uu ahaa ganacsade farmasi ku lahaa magaaladaasi, kaasoo isna la qabtay xilli ay wada joogeen imaamka la xiray.

lo xog ogaal ah ayaa VOA-da u xaqiijiyay in imaamkaasi uu ku dhaawacmay hawlgalkii ay ciidamadu ku qabteen.

Qabashada wadaadka ayaa dhalisay isla xalay fiidkii inay rabshado ka dhacaan magaalada oo dhowr saacadood socday, ka dib markii ay dad ka careysnaa xarigga raggaasi ay xireen qaar ka mid ah waddooyinka, isla markaana ay taayarada baabuurta ay dab qabadsiiyeen.

Hase yeeshee ciidamada booliska ayaa markii dambe ku guuleystay inay xaaladda gacanta ku dhigaan, ayna kala diraan dadkii rabshadaha sameynayay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo xiray Imaamka masjidka, inkastoo wararku ay sheegayaan in ciidamadu ay in muddo ahba ku raad joogeen iyagoo uga shakisnaa inuu xiriir la leeyahay al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG