Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo la Kulmay Berlusconi


Farmaajo oo la Kulmay Berlusconi
Farmaajo oo la Kulmay Berlusconi

Raisal-wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa Roma ku qaabilay Ra'iisul-wasaare Farmaajo, waxayna ka wada hadleen Xaaladda Somalia

Ra'iisul-wasaaraha Somalia, Max'ed C/aahi Farmaajo oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa la kulmay Ra'iisul-wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi.

Farmaajo ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA kulankaasi kaddib, ayuu ku sheegay inuu kulankaasi Berlusconi uga warbixiyay xaaladda Somalia ay ku sugan tahay, gaar ahaan waxqabadka xukuumaddiisa cusub iyo waxay damacsan tahay inay qabato.

Farmaajo, wuxuu sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen wax-kaqabashada mushkillada Somalia.

Ra'iisul-wasaaruhu wuxuu sheegay in Berlusconi uu ka aqbalay sidii Talyaanigu uu wax uga qaban lahaa door fiicana uga ciyaari lahaa xal u helida Somalia.

Wareysiga VOA la yeelatay R/wasaare Farmaajo qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG