Isku xirrada

War Deg-Deg ah

France oo Madaxweyne Cusub Dooratay


Dalka Faransiiska ayaa yeelan doona hogaamiye cusub ka dib markii musharaxii xisbiga Hantiwadaaga Francois Hollande uu kaga adkaaday madaxweynihii kursiga Difaacanayay Nicolas Sarkozy doorashada madaxtinimo ee Faransiiska.

Iyadoo inta badan la tiriyay codadka ay dadku dhiibteen ayaa Mr. Hollande waxa uu ku Guuleystay 52 boqolkiiba codadka, halka Mr. Sarkozy uu helay 48 boqolkiiba.

Kumanaan taageerayaasha Mr. Hollande ayaa isugu soo baxay iyagoo farxad la Qeylinaya fagaaraha Paris' Palace de la Bastille, ee caasimada Paris axadii shalay.

Mr. Hollande, oo isagu ka soo horjeeda in badan oo ka mid ah talaabooyinka adag ee Gunti isku-jiijinta dhaqaalaha Faransiiska ayaa u sheegay dadkii isu soo baxay, in aaney Aheyn un dad doonaya isbedel, balse waxa uu ku tilmaamay dhaq dhaqaaq ka soo If Baxay, guud ahaan Yurub.

Madaxweynaha talada ka sii socda ayaa sheegay inuu isaga masuul ka yahay guul Darada doorasho ee soo wajahday.

Mr. Hollande ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyay ee Faransiiska ee ka baxa Xisbiga garabka bidix, ku dhawaad 20 sanadood.

War ka soo baxay Aqalka cad ee dalkan Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Barack Obama uu taleefan ugu hambalyeeyay Mr. Hollande oo uu ku martiqaaday Aqalka Cad, ka hor inta uusan Mareykanka u iman shir Madaxeedka G-8 iyo isbaheysiga Nato Dhamaadka bishan.

XS
SM
MD
LG