Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqeyn: Shirka Wadatashiga


Falanqeyn: Shirka Wadatashiga
Falanqeyn: Shirka Wadatashiga

Iyadoo shirkii wadatashiga ee Soomaalida uu shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa jira su'aalo la isweydiinayo.

Iyadoo shirkii wadatashiga ee Soomaalida uu shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa jira su'aalo la iska weydiinayo shirkaasi.

Aqoonyahannada ka faalooda arriamah Geeska Afrika ee sida dhow ula socday shirka ka furmay Muqdisho, waxay tilmaamayaan in su'aalaha leys weydiinayo ay ka mid tahay hadaladii shirkaasi laga jeediyay iyo ajendayaasha.

Feysal Cabdi Rooble oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif uu u hadlay dowlad jirta oo uu rabo in dhidibada loo taago si ay u shaqeyso, Madaxweynaha Puntlandna Cabdiraxmaan Faroole ay hadaladiisa u muuqdeen kuwo hanjabaad ah oo uu gorgortan geli doono haddii sida uu rabo wax loo sameyn waayo, halka madaxweynaha Gal-Mudug uu u muuqday qof arkayay in labada dhinac ee kale ay sad bursi wadaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa su'aalaha leys weydiinayo ka mid ah saameynta uu ay yeelan karaan maamul goboleedyada kale ee dhowaan dhismay ee aan shirka lagu casuumin.

XS
SM
MD
LG