Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faarax: Wasiirku iguma samayn karo baaritaan


Faarax Macallim
Faarax Macallim

Ku Xigeenka A-fhayeenka Aqalka Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macallim ayaa ka hadlay baadhitaanka uu ku baaqay ina la sameeyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi Moses Wetangula.

Faarax Macallim waxa uu sheegay in Mr Wetangula uusan xaq u lahayn inuu dalbo baaritaan lagu sameeyo dhaqdhaqaaqii iyo khudbadihii uu jeediyey markii uu booqday Jamhuuriyadda La Magacbaxday Somaliland bishii Diisambar ee aynu soo dhaafnay.

Mr. Wetangula ayaa Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Baarlamaanka Kenya u gudbiyey qoraal uu ku dalbanayo in baadhitaan lagu sameeyo hadalladii Faarax Macallim ku hadlay intii uu joogay Somaliland. Qoraalku waxa uu dalbanaya in la baadho in Faarax Macallim uu dhiirrigeliyey gooni-u-goosadka Somaliland iyo inuu ku hadlay hadallo xiisad ka dhex abuuri kara Somailand iyo Puntland xilligii uu booqanayey magaalada Laascaanood.

Hase yeeshee Faarax Macallim oo waraysi siiyey idaacadda VOA waxa uu sheegay in Mr Wetangula uusan haysan sharciyad baarlamaani ah oo uu ku bixiyo amar la xiriira baaritaan caynkaasi ah.

Faarax Macallim waxa uu diiday inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan in Somaliland ay hesho aqoonsi caalami ah.

Waraysiga Faarax Macallim oo uu la yeeshay Haaruun Macruuf ka dhagayso qeybta hoose ee qoraalkan.

XS
SM
MD
LG