Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: khilaafka Hoggaanka Al-Shabaab


Faaqidaadda: khilaafka Hoggaanka Al-Shabaab
Faaqidaadda: khilaafka Hoggaanka Al-Shabaab

Barnaamijkeenu wuxuu toddobaadkan ka hadlayaa khilaafka ka dhextaagan hoggaanka sare ee Al-Shabaab, gaar ahaan Abu-Mansuur iyo Axmed Godane

Barnaamijka Faaqidaadda toddobaadka waxaan ku falanqeynaynaa khilaafka xooggan ee u dhaxeeya hoggaanka sare ee ururka Al-Shabaab, gaar ahaan Axmed Godane iyo Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur.

Khilaafkan oo in muddo ah soo jiray ayaa haatan soo shaacbaxay, waxaana lagu salaynayaa kala fikir-duwnaanshaha garabyada ay kooxda Al-Shabaab u kala baxdo.

Khilaafkan ayaa sii xooggeystay wixii ka danbeeyay dagaalladii dhawaan Al-Shabaabku ay la galeen ciidamada DKMG iyo AMISO, waxaana la sheegay in qaabka dagaalka uu ka cadhoodhay Muhktaar Roobow, isagoo markii danbe ciidamo isaga hoos yimaada kala baxay Muqdisho iyo gobolka Hiiraan, dibna ugu celiyay magaalada Baydhaba.

Haddaba, khilaafkan wuxuu macno ahaan yahay iyo saameynta uu reebayo ayaan toddobaadkan barnaamijkan ku eegaynaa, waxaana ka dooddaya;

-Daahir Maxamuud Geelle oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia, wasiirka warfaafinta ee DKMG soo noqday, Daahir wuxuu sidoo kale ka tirsanaa kooxaha Islaamiyiinta ee Somalia.

-Prof. Maxamuud Guurre oo ah aqoonyahan, madaxna u ah urur lagu magacaabo Somali Concern Group oo London ka dhisan

-Prof. Yaxye Sheekh Caamir, oo ah macalin jaamacadeed oo ku sugan magaalada Nairobi.

Haddaba barnaamijka oo dhamaystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso,

XS
SM
MD
LG