Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Sababaha Abaaraha


Faaqidaadda: Sababaha Abaaraha
Faaqidaadda: Sababaha Abaaraha

Doodda barnaamijka waxaa ka qeybgalaya Aqoonyahanno Soomaali ah oo ka shaqeeya hay'adaha samafalka ee ka hawlgala Soomaaliya.

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxa uu ku saabsan yahay waxa sababa abaaraha soo noqnoqda iyo sida looga gaashaaman karo ka hor intaanay abaartu meel xun gaarin oo meel dad iyo xoolaba ay ku baaba'aan.

Barnaamijkan waxaa soo diyaariyay soona jeedinaya Haaruun Macruuf. Waxaana marti ugu ah xubno ka tirsan shaqaalaha hay'adaha gargaarka ee ka hawlgala dalka Soomaaliya, waxayna kala yihiin; Dr. Xuseen Xaaji Macow, madaxa hay'adda kaalmeynta farsamada Soomaaliya oo ku sugan magaalada Ottowa ee dalka Canada, Ibraahim Cabdi Shire, Xiriiriyaha hay'adda Horn Relief ee Puntland iyo Somaliland, oo ku sugan magaalada Boosaaso, iyo Cabdirisaaq Maxamed Nuur (Shabeel) oo ah khabiir dhinaca cuntada iyo nafaqeynta ee hay'adda FSNU ee hoostagta hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO.

Dhegaysi wacan:

XS
SM
MD
LG