Todobaadkan waxaa barnaamijkan lagu falanqeynayaa cudurka duumada oo ah cudur dilaa ah.
25-ka bishan April ayaa caalamku u qoondeeyay inay tahay maalinta duumada caalamka.
Cudurkan duumadda oo uu keeno dulin ay kaneecadu xanbaarto ayaa waxaa sanad walba u dhinta dad gaaraya hal million oo qof, dhimashada ugu badana waxay ka dhacdaa wadamada saxaraha ka hooseeya.
Barnaamijkan waxaad ku maqlaysaan warbixin ka hadlaysa saamaynta cudurka duumada ee dalka Kenya.
Dr. Cabdi C/laahi Cali oo ah madaxa mashaariicda cudurka duumada ee Somaliland ayaa wuxuu ka warbixinayaa waxyaabaha dhaliyay cudurkan duumada iyo sida looga hortagi karo.