Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Doorashada Ethiopia


Muwaadiniinta Ethiopia ayaa dooranaya baarlamaan cusub, iyadoo aad loo filayo in xizbiga talada haya ee ra'iisul wasaare Meles Zenawi uu ku guuleysan doono doorashada.

Muwaadiniinta Ethiopia ayaa u dooranaya baarlamaan cusub, iyadoo aad loo filayo in xizbiga talada haya ee ra'iisul wasaare Meles Zenawi uu ku guuleysan doono doorashada. Sidaas darteed, waxaa la isweydiinayaa isbeddelka ay doorashadani u horseedi karto dalka Ethiopia, gaar ahaan xagga dimoqraadiyadda.

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxaan ku gorfeyneynaa waxa ay doorashadani ka beddeli karto xaaladda guud ee gobolka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia.

Barnaamijka waxaa ka qeyb galaya:

1. Cabdifataax Sheikh C/llahi, oo ah guddoomiyaha xisbiga haya talada gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia. Wuxuu jooga Jigjiga

2. Buux Xuseen Cumar, guddoomiyaha xoogagga isbaheysiga dimoqraadiga Soomaalida, oo ah xizbi qaadacay doorashada. Wuxuu joogaa Addis Ababa

3. Muuse Sheeko-Xariir, oo hore uga tirsanaan jiray jabhaddii xoreynta Soomaali-Galbeed, wuxuu ku sugan yahay London

4. Feysal Cabdi Rooble, oo ah tafatiraha shabakadda Wardheernews.com. Wuxuu ku sugan yahay magaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalkan Mareykanka.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG