Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garowe: Shaqaale UNICEF oo ku Dhintay Qarax


Video: Qaraxii UNICEF Garowe
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:16 0:00

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Garoowe. Qaraxan ayaa lala beegsaday baabuur bas ah oo ay saarnaayeen shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ku sii jeeday goobta shaqada.

War saxaafadeed kasoo baxay hay'adda UNICEF ayaa lagu sheegay in afar ka tirsan dadka dhintay ay hay'adda ay u shaqaynayeen.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in la tuhnsan yahay in uu sababay qof isa-soo miidaamiyay oo baabuurka isku qarxiyay.

​Qaraxa ayaa dhacay abaarihii 8-da subaxnino, waxaana uu dhacay wax yar kadib markii shaqaaluhu ay ka baxeen dhisme ay ka degganaaayeen magaalada.

Afarta qof ee ajanabiga ah ayaa la sheegay inay kala yihiin; 2 u dhalatay Kenya, mid u dhashay Uganda iyo mid u dhashay dalka Afghanistan.

Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indho-guran) ayaa sheegay in wareerkii lagu qaaday bas ay saareeyeen shaqaale ka tirsanaa hay’adda UNICEF ee magaalada Garoowe uu fuliyey qof isa-soomiidaamiyey.

Hoos ka dhageysi wareysiga wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indho-guran)

Wasiirka warfaafinta Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:02 0:00

XS
SM
MD
LG