Isku xirrada

War Deg-Deg ah

EU oo Mamnuucday Iibsashada Saliida Iran


EU oo Mamnuucday Iibsashada Saliida Iran
EU oo Mamnuucday Iibsashada Saliida Iran

Midowga Yurub ayaa mamnuucay iibsashada saliida Iran, waxuuna fariisiyay hantida baanka dhexe ee dalkaasi, taasoo qeyb ka ah cadaadiska reer galbeedka ay ku hayaan Iran, si ey u joojiso barnaamijkeeda hubka Nuclearka ee lagu muransanayahay.

Wasiirada Arimaha dibadda ee Midowga Yurub oo Isniintii ku shiray magaalada Brussels ee Xarunta Dalka Belgium ayaa go,aankan ku dhawaaqay.

Go'aankan ayaa u ogolaanaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ee horey heshiiska dhinaca saliida ah kula jira Iran inay ku soo afjaraan iibsashada saliida Iran ilaa iyo 1da bisha July ee sanadkan.

Waqtigaasi ayaa loogu talagalay dalalka sida xoogga leh ugu tiirsan saliida Iran ee Yurub sida, Greece, Italy iyo Belgium inay ku soo gabgabeeyaan qandaraasyadooda.

XS
SM
MD
LG