Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Eritrea oo Ka Digtay Go'aanka IGAD


Eritrea waxay sheegtay in aanay waxba ku soo kordhinayn ciidamo dheeraad ah oo loo diro Soomaaliya, waxay sheegtay in AMISOM aysan waxba ka bedelin Xaalada dalkaasi.

Mas'uul sare oo ka tirsan dowladda Eritrea ayaa ku tilmaamay go'aankii dhowaan ka soo baxay urur-goboleedka IGAD ee ku saabsanaa inay ciidamo dheeraad ah u soo dirayaan Soomaaliya inuu yahay mid sii hurinaya colaada ka aloosan Soomaaliya.

Cali Cabdow oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Eritrea oo VOA-da u warramay ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya waxa sii hurinaya ay tahay faragelinta uga imaneysa dibadda, sidaasi darteed wuxuu sheegay inay haboon tahay in Soomaalida loo daayo xal ka gaarista arrimaheeda siyaasadda.

Mr. Cabdow ayaa farta ku fiiqay dhowr arrimood oo ka jira Soomaaliya oo uu sheegay inay carqalad ku yihiin nabad ku soo dabaalida dalkaasi, kuwaaasoo ka mid ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Hay'adaha Samafalka, iyo kuwa la dagaalamaya argagixisada caalamiga ee dalka ku sugan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Eritrea wuxuu kaloo ku eedeeyay Itoobiya inay qeyb weyn ka tahay hurinta colaada Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay in militarigeedu uu had jeer faragelin ku hayo dalkaasi.

Hadalka sarkaalkan ka tirsan dowladda Eritrea waxa uu daba socdaa go'aan dhowaan uu urur goboleedka IGAD ku gaaray magaalada Addis Ababa ee ahaa in ciidamada AMISOM lagu kordhin doono 2,000 oo askar dheeraad ah.

Madaxda dalalka urur goboleedka IGAD kulan deg deg ah oo ay dhowaan ku yeesheen magaalada Addis Ababa waxay ka sheegeen inay aad uga xun yihiin in ciidamada AMISOM aan la gaarsiinin tiradii loogu talagalay ee 8,000, waxayna sheegeen inay Qaramada Midoomay iyo Midowga Afrika la kaashan doonaan sidii nabad ilaaliyeyaal dheeraad ah loogu diri lahaa Soomaaliya.

khubarada odorosta arrimaha Bariga Afrika waxay ku tilmaameen diidmada Eritrea ee go'aanka IGAD inay ugu wacan tahay iyadoo taageero u fidisa kooxda Xisbul-Islaam, hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea Cali Cabdow ayaa iska fogeeyay in dalkiisu uu gacan ku leeyahay xasilooni darrida ka jirta Soomaaliya. Waxa uu sheegay in weligood ay ku baaqayeen in Soomaalida loo daayo xal u helida khilaafaadkooda, isla markaana laga daayo faragelinta dibadda.

Mr. Cabdow ayaa soo hadal qaaday faragelintii militari ee Itoobiya ay ku sameysay Soomaaliya, isagoo sheegay in dalkiisu uu ku baaqayay in faragelinta militari aysan xal u noqoneyn dhibaatada Soomaaliya. Waxa uu ka digay in Qaramada Midoobay ay ogolaato in Itoobiya ay mar kale faragelin ku sameyso Soomaaliya, isagoo sheegay in xitaa ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM aysan waxba ku kordhin xaalada Soomaaliya, aan ka ahayn dhiiga Soomaalida oo weli qubanaya.




Eritea oo Ka Digtay Go'aanka IGAD ee Somalia

Mas'uul sare oo ka tirsan dowladda Eritrea ayaa ku tilmaamay go'aankii dhowaan ka soo baxay urur-goboleedka IGAD ee ku saabsanaa inay ciidamo dheeraad ah u soo dirayaan Soomaaliya inuu yahay mid sii hurinaya colaada ka aloosan Soomaaliya.

Cali Cabdow oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Eritrea oo VOA-da u warramay ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya waxa ii hurinaya ay tahay faragelinta uga imaneysa dibadda, sidaasi darteed wuxuu sheegay inay haboon tahay in Soomaalida loo daayo xal ka gaarista arrimaheeda siyaasadda.

Mr. Cabdow ayaa farta ku fiiqay dhowr arrimood oo ka jira Soomaaliya oo uu sheegay inay carqalad ku yihiin nabad ku soo dabaalida dalkaasi, kuwaaasoo ka mid ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Hay'adaha Samafalka, iyo kuwa la dagaalamaya argagixisada caalamiga ee dalka ku sugan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Eritrea wuxuu kaloo ku eedeeyay Itoobiya inay qeyb weyn ka tahay hurinta colaada Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay in militarigeedu uu had jeer faragelin ku hayo dalkaasi.

Hadalka sarkaalkan ka tirsan dowladda Eritrea waxa uu daba socdaa go'aan dhowaan uu urur goboleedka IGAD ku gaaray magaalada Addis Ababa ee ahaa in ciidamada AMISOM lagu kordhin doono 2,000 oo askar dheeraad ah.

Madaxda dalalka urur goboleedka IGAD kulan deg deg ah oo ay dhowaan ku yeesheen magaalada Addis Ababa waxay ka sheegeen inay aad uga xun yihiin in ciidamada AMISOM aan la gaarsiinin tiradii loogu talagalay ee 8,000, waxayna sheegeen inay Qaramada Midoomay iyo Midowga Afrika la kaashan doonaan sidii nabad ilaaliyeyaal dheeraad ah loogu diri lahaa Soomaaliya.

khubarada odorosta arrimaha Bariga Afrika waxay ku tilmaameen diidmada Eritrea ee go'aanka IGAD inay ugu wacan tahay iyadoo taageero u fidisa kooxda Xisbul-Islaam, hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea Cali Cabdow ayaa iska fogeeyay in dalkiisa uusan gacan ku lahayn xasilooni darrida ka jirta Soomaaliya. Waxa uu sheegay in weligood ay ku baaqayeen in Soomaalida loo daayo xal u helida khilaafaadkooda, isla markaana laga daayo faragelinta dibadda.

Mr. Cabdow ayaa soo hadal qaaday faragelintii militari ee Itoobiya ay ku sameysay Soomaaliya, isagoo sheegay in dalkiisu uu ku baaqayay in faragelinta militari aysan xal u noqoneyn dhibaatada Soomaaliya. Waxa uu ka digay in Qaramada Midoobay ay oggolaato in Itoobiya ay mar kale faragelin ku sameyso Soomaaliya, isagoo sheegay in xitaa ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM aysan waxba ku kordhin xaalada Soomaaliya, aan ka ahayn dhiiga Soomaalida oo weli qubanaya.




XS
SM
MD
LG