Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ergayga Cusub iyo Arrimaha Horyaalla


Ergayga Cusub iyo Arrimaha Horyaalla
Ergayga Cusub iyo Arrimaha Horyaalla

Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa Danjirihii Tanzania ee Qaramada Midoobay u magaacabay arrimaha Somalia hadaba waa kuma Ergaygan Cusub.

Danjire Augustine Mahiga waxaa uu sanadkii 1945kii ku dhashay dalka Tanzania waxaana wabarashadiisa Jaamacadeed ku qaatay Jaamacadda Bariga Afrika ee Daarasalaam , isaga oo shahadadda u saraysa ee PhD ee cilmiga xidhiidhka caalamiga ah ka qaatay Jaamacadda Toronto sanadkii 1975kii , waxaana uu isla markiiba Bare ka noqday Jaamacadda Daarasalaam.
Sanadkii 1977kii waxaa uu noqday madax tababrka iyo cilmi baadhsita ee madaxtooyada Tanzaniya sanadihii 80kii ilaa iyo 83kii waxa noqday agaasimaha guud ee madaxtoooyada Tanzania.
Sanaddkii 83kii ilaa 89kii waxaa uu ahaa safiirka Tanzania ee Canada sanadihii sagaashameeyadii waxaa uu noqday sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR isaga oo wakiil uga noqday dalal ay ka mid yihiin Libiria , Italia iyo India.
Sanadki 2003dii ay ahayd markii uu noqday safiirka xaruunta Qaramada Midoobay ee New York u jooga fadhiya Tanzania, laba sano ka dib waxaa uu xubin ka noqday golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, talaabadaasi uu miisankiisa siyaasadeed kor u qaaday sida uu tilmaamayo , Dr Maxamud Cabdulaahi Jaamac Sifir R/W ku xigeenkii hore ee Somalia oo hore Diblomaasi uga ahaa Xaruunta Qaramada Midoobay, isaga oo tilmaamay in xubinimada golaha amaanku ay leedahay miisaan siyaasadeed oo u abuurtay xidhiiidho badan.
Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu si rasmi ah ugu magacaabay Dr Augustin Mahiga in uu noqdo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, waxaa wareegtada lagu xusay inuu khibrad dheeraad ah u leeyahay arrimaha Bariga Afrika iyo guud ahan qaaradda taasi oo wax ku soo kordhinaysa hawalah uu qaban doono.
Arrimaha ugu muhiimsan ee horyaalla ergayga cusub ayaa sida uu tilmaamayo Dr Maxamuud Cabdulaahi Sifir waxaa ka mid ah dhiirigalinta soo celinta ammaanka, isku dubaridka qorshaha Qaramada Midoobay ee ku addan Somalia .
Ergayga cusub ayaa bedalaya Danjire Axmadu walad Cbadalla oo warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska xogahaya guud ee qaramada midoobay lagu xusay in uu door weyn ka soo qaatay dadaalka loogu jiro xal u helidda qalalaasaha Somalia.

Danjire Augustine Mahiga waxaa uu sanadkii 1945kii ku dhashay dalka Tanzania waxaana wabarashadiisa Jaamacadeed ku qaatay Jaamacadda Bariga Afrika ee Daarasalaam , isaga oo shahadadda u saraysa ee PhD ee cilmiga xidhiidhka caalamiga ah ka qaatay Jaamacadda Toronto sanadkii 1975kii , waxaana uu isla markiiba Bare ka noqday Jaamacadda Daarasalaam.

Sanadkii 1977kii waxaa uu noqday madax tababrka iyo cilmi baadhsita ee madaxtooyada Tanzaniya sanadihii 80kii ilaa iyo 83kii waxa noqday agaasimaha guud ee madaxtoooyada Tanzania.

Sanaddkii 83kii ilaa 89kii waxaa uu ahaa safiirka Tanzania ee Canada sanadihii sagaashameeyadii waxaa uu noqday sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR isaga oo wakiil uga noqday dalal ay ka mid yihiin Libiria , Italia iyo India.

Sanadki 2003dii ay ahayd markii uu noqday safiirka xaruunta Qaramada Midoobay ee New York u jooga fadhiya Tanzania, laba sano ka dib waxaa uu xubin ka noqday golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, talaabadaasi uu miisankiisa siyaasadeed kor u qaaday sida uu tilmaamayo , Dr Maxamud Cabdulaahi Jaamac Sifir R/W ku xigeenkii hore ee Somalia oo hore Diblomaasi uga ahaa Xaruunta Qaramada Midoobay, isaga oo tilmaamay in xubinimada golaha amaanku ay leedahay miisaan siyaasadeed oo u abuurtay xidhiiidho badan.

Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu si rasmi ah ugu magacaabay Dr Augustin Mahiga in uu noqdo ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, waxaa wareegtada lagu xusay inuu khibrad dheeraad ah u leeyahay arrimaha Bariga Afrika iyo guud ahan qaaradda taasi oo wax ku soo kordhinaysa hawalah uu qaban doono.

Arrimaha ugu muhiimsan ee horyaalla ergayga cusub ayaa sida uu tilmaamayo Dr Maxamuud Cabdulaahi Sifir waxaa ka mid ah dhiirigalinta soo celinta ammaanka, isku dubaridka qorshaha Qaramada Midoobay ee ku addan Somalia .

Ergayga cusub ayaa bedalaya Danjire Axmadu walad Cabdalla oo warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska xogahaya guud ee qaramada midoobay lagu xusay in uu door weyn ka soo qaatay dadaalka loogu jiro xal u helidda qalalaasaha Somalia.

Warbixin arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG