Duufaanta Sandy oo haatan isku baddashay dabeylo ayaa ku markii ay soo gaartay dhulka xeebaha bari waxay dhalisay daadad badan oo ku fatahay qeybo ka tirsan New York iyo magaalooyi kale oo ku yaalla New Jersey.
Daadadka New York ku fatahay oo gaarayay ilaa 4-Mitir ayaa galay qeybo ka tirsan wadooyinka dhulka hoose ee New York, meelaha ay tareemadu maraan, gaar ahaan xaafadda Manhattan, waxaana wadooyinka qaarkood la arkayay baabuur ay biyuhu sitaan. 500 oo kun oo qof oo New York degan ayaa koronto la'aan ah, iyadoo ay qaraxday warshad korontada qaabilsan oo New York ku taalla.
Duufaantan ayaa saameynaysa in kabadan 50 million oo qof oo degan bariga, iyadoo boqolaal kun oo dad ahna la amray inay guryahooda ka baxaan, halka in kabadan 1.5 million ay koronto la'aan yihiin.
10-ka qof ee dhintay ayaa la soo wariyay inay dabayshu dishay.
Madaxweyne Obama ayaa joojiyay ololaha doorashada ee Isnintii shalay si uu aqalka cad ugala socdo duufaanta Sandy.
Duufaanta Sandy ayaa Caribbean ku soo dishay ugu yaraan 65 qof intii aysan u soo gudbin dhinaca Maraykanka.