Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn ka Dhacday Shabeelaha Hoose


Duqeyn ka Dhacday Shabeelaha Hoose
Duqeyn ka Dhacday Shabeelaha Hoose

Saraakiil ka tirsan sirdoonka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in labo qof oo ajaanib ah iyo qof Soomaali ah lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday Gobolka shabeelaha hoose.

Saraakiisha oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in duqeynta oo ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn ay ka dhacday halka lagu magacaabo killi-caafimaad, inta u dhaxeeysa Nambar 50 iyo Magaalada Shalanbood ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Dadka ku dhaqan degaanada ka ag dhow halka ay duqeynta ka dhacday ayaa sheegay inay maqleen abaara 3:00 habeenimo ee saacada Afircada Bari laba qarax oo waaweyn isla markaana ay arkeen hilaac.

Saakay markii uu waaga baryay ayey dadka degaanka arkeen laba gaari oo gubanaya oo loo maleynayo inay yihiin kuwa lala beegsaday duqeyntii xalay.

Saraakiisha dowladda ee la hadashay warbaahinta ayaa sheegay in Saddexda qof ee lagu dilay duqeynta labo ka mid ah ay u kala dhasheen dalalka Masar iyo Algeria halka qofka saddexaadna uu ahaa wadihii gaari ay la socdeen oo Soomaali ahaa.

Weli macadam cida iska laheyd diyaaradaha duqeynta geeystay, hase yeeshee degaanada koonfurta soomaaliya ayaa waxaa horey duqeymo noocan oo kale ah uga fuliyay ciidamada Mareykanka iyo kuwo dowladda Kenya oo ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

21kii bishii January ee sanadkan ayaa weerar noocaan oo kale ah oo ka dhacay meel u dhow deegaanka Ceelasha biyaha ee inta u dhaxeeysa Muqdisho iyo Afgooye lagu dilay Bilaal Al-Barjaawi oo ka mid ahaa ajaanibta ka barbar dagaallanta Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG