Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn ka Dhacday Muqdisho


Duqeyn ka Dhacday Muqdisho
Duqeyn ka Dhacday Muqdisho

Weeraro duqeyn ah oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyey ayaa maanta dhex maray ciidamadda AMISOM iyo kooxaha joogistooda kasoo horjeeda

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay lix kalena way ku dhaawacmeen duqeyn maanta ka dhacday xaafado ka tirsan magaaladda Muqdisho. Duqayntan oo u dhaxaysay ciidamada AMISOM iyo kooxaha hubaysan ee kasoo horjeeda joogitaanka ciidamadaasi ayaa waxay saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada kuwaas oo ay madaafiic habow ahi ku dhaceen.

Goobaha madaafiicdu kusoo dhacday ee ay dadku ku dhinteen ayaa waxa ka mid isgoyska howlwadaag halkaas oo madfac kusoo dhacay ay ku geeriyoodeen saddex qof

Dhinaca kale, madfac isaguna kusoo dhacay xaafadda Xararyaale ee degmadda Wardhiigley ayaa waxa ku dhaawacmay lix qof oo hal qoys kasoo wada jeeda, sida uu VOAda u sheegay mid ka mid ah ehelada dadkaasi dhaawacmay oo ku sugnaa goobta madfacu kusoo dhacay

Duqaynta maanta ka dhacday xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah duqeymaha inta badan ka dhaca magaalada kuwaas oo khasaaraha ugu badanna ay kasoo gaaraan dadka rayidka ah ee aan dirirta qeybta ka ahayn.

XS
SM
MD
LG