Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqayn madaafiic ah oo ka dhacday Muqdisho


Duqayn madaafiic ah oo ka dhacday Muqdisho
Duqayn madaafiic ah oo ka dhacday Muqdisho

Ugu yaraan 9 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay 30 kalana way ku dhaawacmeen duqayn culus oo ka dhacday xaafaddo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Duqayntan oo ay isweydaarsadeen ciidamada DKMG oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo kooxaha hubaysan ee ka horjeeda ayaa badankeedu waxa ay saamayn ku yeelatay degmooyinka Howl-wadaag iyo Wardhiigley ee ku xeeran daafaha suuqa bakaaraha.

Sida ay VOA-da u xaqiijiyeen goobjoogalaa ku sugan goobaha madaafiicdu ku dhacday, waxaa geeriyooday in ka badan 9 ruux, dhaawacuna wuxuu gaarayaa ilaa 30 qof oo dhamaantood rayid ah.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa gurmad u sameeyay gaadiidka deg-dega ah ee, waxaana intooda badan loo soo daabulay isbitalka Madiina.

Kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho, wuxuu dhinacba dhinaca kale ku eedeeyaa inay ka danbeyaan madaafiicda habowga ah ee waxyeelada ba'an gaarsiiya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

XS
SM
MD
LG