Ra’iisal wasaaraha cusub ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee shalay baarlamaanku ansixiyeen ayaa wareysi uu siiyay VOA-da waxa uu ku cel celiyay in waxa ugu horreeya ee uu ahmiyadda Siinayo ay tahay Nabadgelyada, arrintaasoo loo arko inay aad u adag tahay marka loo eego dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Haddaba maxaa looga baahan yahay dowladda cusub inay wakhtigan ku dhaqaaqdo.
Waxaan su’aashaasi iyo su’aalo kaleba aan bandhigay Prof Cali Jimcaale Axmed oo maadada Isbarbardhigga Suugaanta ka dhiga Kuliyadda Queens College iyo The Gratuate Center ee Jaamacadda City University ee magaalada New York.