Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG ah oo la Wareegtay Ceelasha iyo Afgooye


Dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaliya ayaa sheegeysa inay si buuxda gacanta ugu hayaan degaanada Ceelasaha biyaha iyo Afgooye kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay uu dagaala ku dhex marayay ciidadamada dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya iyo maleeshiyada al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan milatariga dowadda ku meel gaarka ah ayaa VOA-da u sheegay in ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Ceelasha Biyaha, Afgooye, ilaa degaanada isku xira magaalada Muqdisho.

General Cali Caraaye Cosoble oo ah taliyaha hawlgalinta militiga Somaliya ayaa sheegay in aanay wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada al-Shabaab ee iyagu horey ugu sugnaa degaanadaasi ay la wareegeen.

Wareysiga Generaalka oo dhameystiran ka dhageyso qaybta hoose.

XS
SM
MD
LG