Doorashadan ayaa loogu tartamayay cidda noqonaysa Duqa magaalada, Xilkaasi oo ahamiyad gaar ah leh, maadama oo ay tahay Washington mid ka mid ah caasmiadaha adduunka ugu muhiimsan oo si gaar ah ay indhaha ugu hayaan warbaahinta aduunka. Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa inoo haya Xuseen Barre.
Waxaana ku tartamayay Duqa xilka hayay oo ah Mayor Adrian Fenty iyo guddoomiyaha Golaha deegaanka ee magaalada Vincent Gray.
Waxaanay labdooduba ka tirsanyihiin Xisbiga Dimuqraadiga. Natiijada doorashada oo xilli dambe oo habeenimo ah la shaaciyay ayaa ahayd mid si aad ah loo sugayay habeenkii Salaasadii, waxaana 1dii iyo badhkii habeenimo saacadda magaalada Washington lagu dhawaaqay in uu doorashada ku guulaystay Vincent Gray iyada oo sidaasna uu xilka ku waayay Adrian Fenty oo afartii sano ee tagtay soo ahaa duqa magaaladani Washington .
Maxamed Cabdi Maxamed oo ah la taliyaha xisaabiyaha guud ee magaalada Washington D, ayaa VOA u sheegay in arrinta ugu wacan guul darada Duqa magaalada ee xilligan ay tahay iyada oo aanu jirin xiriir uu la lahaa dadweynaha magaalada ku dhaqan.
Waxa kale oo uu in duqa imika doorasha ku guulaystay ee incent Gray ay hortaalo in uu isku soo dhaweeyo dadka magaalada dega ee dorasahda ku kala qaybsamay.
Washington DC ayaa ka mid ah magaalooyinka safka hore kaga jira wararka adduunka oo markasta ay soo hadal qaadan warbaahinta caalamku iyada oo muhiimadda ku yeelatay qodobo dhowr ah sida uu ftilmaamay Cabdiraxmaan Yabarow Madaxa laanta Af Somaliga ee VOA oo ka mid ah suxufiyiinta mudada dheer ku noolaa magaalada.
Dadka ku nool Washington DC ayaa u muuqda imika in ay ka nasteen ololihii doorashada ee duqa magaalada, ololahaasi oo ka sokow dadka ku nool magaalada ay la wadaageen dadka kale ee maraykanka oo ay magaaldo Caasimad u tahay, kuwaasi oo sugayay in ay ogaadaan cidda caasimadda Maraykanka hogaamin doonta afarta sano ee soo socota.