Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo Diidday Midowga Shabaab iyo Xisbul-Islaam


DKMG oo Diidday Midowga Shabaab iyo Xisbul-Islaam
DKMG oo Diidday Midowga Shabaab iyo Xisbul-Islaam

Wasiirka gaashaan dhigga ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan wax macno ah keeneyn isku biiridda Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay isku biiritaanka ay isku biireen ururada al-Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Ra'iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaan dhigga ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Fiqi oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in isku biiriddaasi aysan wax macno ah yeelaneyn, mar haddii aan loogu turayn ayuu yiri shacabka Soomaaliya.

Cabdi Xakiim ayaa sheegay in dowladdu ay ka go'an tahay 100-ka maalmood ee ay qabsatay inay wax ka bedeleyso xaaladda magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dowladdu ay waddo abaabul ballaaran oo ka dhan ah kooxaha ka soo horjeeda, si ammaan darrida wax looga qabto.

XS
SM
MD
LG