Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo Al-Shabab Cafis u Fidisay


DKMG oo Al-Shabab Cafis u Fidisay
DKMG oo Al-Shabab Cafis u Fidisay

Dawladdu waxay sheegay in cafiska loo fidiyey dagaalyahiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee iyagu isa soo dhiiba, gacan ka hadalkana ka hara.

Dawladda Somalia ayaa cafis guud u fidisay dagaalyahiniinta magaalada Muqdisho, ka dib markii ururka Islaamiga ah ee Al-Shabab uu magaalada ka baxay.

Dawladda ayaa shaacisay arrintan Talaadadii maanta, tan oo imanaysa 3 maalmood ka dib markii dagaalyahaniinta Alshabab badankoodu ay magaaalada ka baxeen.

Dawladdu waxay sheegay in cafiska loo fidiyey dagaalyahiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee iyagu isa soo dhiiba, gacan ka hadalkana ka hara.
Dawladda ayaa sidoo kale dadka magaalada deggan ku boorisay inay xoogaga amniga la shaqeeyaan, isla markaana ay ilaaliyaan sharciga iyo kala dambeynta.

Kooxda Alshabab ayaa badanka magaalada Muqdisho maamuli jirtay, laakiin bilihii u dambeeyey dhul badan ku waayey dagaalaka ay kula jiraan ciidamda dawladda iyo kuwa AMISOM.


Waxa jira warar sheegaya in qaar ka tirsan dagaalyahaniinta Alshabab ay wali caasimadda ku hareen, iyada oo magaalada lagu arkayey dagaalo goos-goos ah oo aan xoog badneyn ilaa maalintii Axaddii

Wareysi arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG