Isku xirrada

War Deg-Deg ah

The Nation: Xarunta CIA ee Muqdisho


The Nation: Xarunta CIA ee Muqdisho
The Nation: Xarunta CIA ee Muqdisho

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa beenisay warar sheegaya in Hay'adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA, ay xarun ka furatay Muqdisho.

Wargeyska The Nation ee dalkan Maraykanka ayaa baahiyay warbixin uu ku sheegayo in CIA-du ay xarun qarsoodi ku leedahay Muqdisho.

Wargeysku wuxuu sheegay in xaruntaasi ay ku taallo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport, halkaasoo uu sheegay in CIA-du, wareysiyo kula yeelato dadka ay ka shakiso.

Dowladda KMG ah ayaa beenisay warka uu qoray wargeyskaasi.

Sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, ahna wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Ibraahim Isaaq Yarow, ayaa VOA u sheegay in warkaasi uusan waxba ka jirin.

Laakiin wasiirku wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ay soo dhoweyneyso cid kasta oo ammaanka kala kaashaneysa.

XS
SM
MD
LG