Waxaa magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Djibouti lagu soo gabagabeeyay shir weyn oo looga hadlayay xuquuqda dadka la hayb-sooco, kaasoo ay ka qeyb galeen ilaa 40 xubnood oo ka kala yimid deegaamada ay Soomaalidu degto ee Geeska Afrika.
Ka qeybgalayaashii shirkaasi oo ay isugu jireen madaxda dhaqanka, aqoonyahanno, haween, dhalinyaro, xubno ka tirsan guddiyada ururada xuquuqul Isnaanka iyo Abwaano, kuwaasoo isla falanqeeyay sida ay u haboon tahay in looga gudbo faquuqa amma hayb-sooca lagu sameeyo beelaha qaarkood ee Soomaaliyeed.
Waxaana shirka laga muujiyay in ay xaq darro tahay in takoor lagu sameeyo dad ay diin, dhaqan, iyo luuqad la wadaagaan Soomaalida.