Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti oo Dad Dhaawac ah ka Qaaday Muqdisho


Dowladda Djibouti ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qaaday 4 wariye oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii bilowgii bishan ka dhacay Tiyaarka Muqdisho.

Dhaawacyadan ayaa in muddo ahba ku jira Cisbitaallada Muqdisho, balse xaaladooda caafimaad halkaasi wax looga qabanwayay.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ee DKMG, C/laahi Bile Nuur ayaa VOA u sheegay in qaadistan weriyayaashan dhaawacmay ay ka danbeysay kaddib markii safaaradda Djibouti ee Muqdisho ay ka soo jawaabtay codsi ay weydiisteen oo ahaa in dadkaasi wax loo qabto.

XS
SM
MD
LG