Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti: Ciidamo ayaan Somalia u diraynaa


Djibouti: Ciidamo ayaan Somalia u diraynaa
Djibouti: Ciidamo ayaan Somalia u diraynaa

Wasiirka Arr. Dibedda ee Djibouti ayaa mar kale ku celiyay sida ay Djibouti u doonayso inay ciidamo u dirto dalka Somalia.

Wasiirka arrimaha Dibedda ee Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in dowladda Djibouti ay doonayso inay ciidamo u dirto Somalia. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamadaasi aysan noqon doonin kuwa ka qeybgala dagaalka, balse ay noqon doonaan kuwa gacan ka geystay sidii loo tababari lahaa ciidamada dowladdda Somalia.

Wasiirka oo wareysi siiyay VOA kaddib markii uu ka soo noqday shirkii Jaamacadda Carabta iyo Africa ee dalka Liibiya, ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in waddamada Carabtu ay haatan fahmayaan khatarka ka iman karta dalka Somalia haddii aan wax loo qaban, gaar ahaa dhibaatooyinka burcad-badeedda oo saameyn weyn ku yaalan karta waddamada carabta.

Wareysiga wasiirka qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG