Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Ay Leedahay EgyptAir Oo La La' Yahay


Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande xaqiijiyey in diyaaradda laga lee yahay dalka Masar ee la la yahay ay u muuqato inay dhacday.

Shaqaale Masaari iyo Greek ah ayaa raadinaya diyaaradda oo ay leedahay shirkadda EgyptAir oo maanta la waayey, ayada oo kasoo duushay magaalada Paris kuna socotay Qaahira.

66 qof ayaa saaran diyaaraddan oo leh tirada duuliimaad ee 804.

Saraakiisha dalka Greek ayaa sheegay in baadi goobka uu ka socda badda, meel 130 mile dhinaca Koonfur Bari ka xigta jasiiradda Karpathos.

Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska Jean-Marc Ayrault ayaa sheegay in dalkiisa uu ku tabaruci doono diyaarado iyo doomo ka qeyb gala raadinta, islamarkaana ay sii wada doonaan xiriirka ay la lee yihiin mas’uuliyiinta Masar.

“Muhiimadda koowaad waa qoysaska, waa taas sababta aan xiriir dhow ula yeelaneyno masa’uuliyiinta Masar” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Paris.

Ra’iisul wasaaraha Masar Sherif Ismaacil ayaa weriyayaasha ugu sheegay garoonka diyaaradaha Qaahira, inay weli tahay mid aan la ogeyn in cilad farsamo ama weerar argagixiso uu soo riday diyaaradda.

XS
SM
MD
LG