Gaarisa —
Dadka ku dhaqan Tuulada Faafi, oo qiyaastii 70 KM u jirta magaalada Gaarisa ee gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya, ayaa ka cabanaya weerar ay dhurwaayo raxan-raxan u socda muddooyinkan kusoo qaadaan dadka iyo xoolaha deegaanka.
Weerarkii u dambeeyay ee dhurwaayada waxaa dhawwacyo culus ay kasoo gaareen laba qof, iyadoo xilli sii horreysay uu hal qofku dhintay.
Iska hor-imaadka u dhexeeyay dadka iyo dhurwaayada ayaa yimid kadib biyo yaraan ka dhacday deegaanka ay sababtay in dadka, xoolaha iyo dhurwaayada ay hal meel biyaha ka wada cabeen weerarkii ugu dambeeyay.
Mohamed Bucul Hudle oo ah guddoomiyha deegaankaasi ayaa wariyaha VOA Maxamed Faarax Shire uga warramay, sida uu weerarka uu u dhacay.
Madal