Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Dhoobleey Laga Saaray


6일 인도 뉴델리에서 인력거꾼이 수건에 머리를 받치고 낮잠을 자고 있다.

Xoogag uu hoggaaminayo Sh. Axmed Madoobe, ayna kamid yihiin malleeshiyo deegaanka ah, ayaa la wareegay magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Xoogag uu hoggaaminayo Sh. Axmed Madoobe, ayna kamid yihiin malleeshiyo deegaanka ah, ayaa la wareegay magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Sh. Axmed Madoobe, oo ah sarkaal ka tirsan ururka Xizbul-Islaam, ayaa hore looga saaray degmada Dhoobleey. Wareysi uu siiyey idaacadda VOA-dana, wuxuu ku sheegay inuu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro kooxda Al-Shabaab, oo uu ku sifeeyey "Takfiir."

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee labada soo gaaray, balse Sh. Madoobe ayaa VOA-da u sheegay in iyaga uu hal dagaal-yahan ka dhintay. Balse ilo kale ayaa VOA-da u sheegay in ugu yaraan 13 qof ay ku geeriyoodeen dagaallada Dhoobley.

Qabsashada Al-Shabaab laga qabsaday degmada Dhoobley, waa dharbaaxadii ugu horreysay ee Shabaabka kasoo gaartay gobollada Jubbooyinka, halkaas oo ay guul isdaba joog ah kasoo hoynayey.

Boqollaal qof ayaa isaga firxanaya degmada Dhoobely, iyagoo ka cabsi qaba in ururka Al-Shabaab uu soo rogaal celiyo. Laakiin Sh. Axmed Madoobe ayaa VOA-da u sheegay in xoogaggiisu ay sii socon doonaan, illaa inta ay kooxdiisu gobolka ka saarto Shabaabka, waa sida uu yiriye.

Dhanka kale, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somalia oo kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka, ayaa sheegay in xoogagga qabsaday degmada Dhoobleey ay yihiin kuwa deegaanka.

Xildhibaan Max'ed Amiin Sheikh Cusmaan ayaa sheegay in dadka deegaanku ay is abaabuleen, isla markaana iska saareen kooxda Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG