Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DBG: Xarunteena Shabaabku may qabsan


DBG: Xarunteena Shabaabku may qabsan
DBG: Xarunteena Shabaabku may qabsan

Hay'adda Daryeel Buslho Guud ee DBG, ayaa beenisay warar sheegaya in Al-Shabaab ay qabsadeen xaruntooda ay ku leeyihiin Muqdisho.

Agaasimaha Hay'adda DBG Cumar Colaad Axmed ayaa beeniyay in ururka Al-Shabaab ay qabsadeen xarun ay ku leeyihiin K-13. Agaasimuhu wuxuu sheegay in hay'addoodu ay horey uga soo guurtay dhismahaasi, isla markaana aysan hay'addaasi u oolin wax qalab ah.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in xarunta Hay'addoodu ay hadda ku taallo K-5, ee Muqdisho, wuxuuna sidoo kale xusay in wax dhibaato ah ka dhex jirin hay'addiisa iyo kooxaha mucaaradka sida Al-shabaab iyo Xisbul-Islaam.

Warar maanta goor hore soo baxay ayaa sheegay in Al-shabaab ay la wareegay dhisme ku yaalla K-13. Dad ku sugan deegaanka KM 13 ayaa Idaacadda VOA u xaqiijiyey in rag hubaysan oo Al-shabaab ka tirsani ay xoog kula wareegeen dhismhaasi.

La wareegistani waxay timid ka dib markii shalay kooxda Alshabab ay joojisay saddex hay'adood oo arimaha samafalka ka shaqeeya kuwaas oo ka howlgali jiray gudaha dalka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG