Ciidamaddan ayaa hoos iman jiray Midawgii Maxkamadaha, waxaanay si toos ah ula shaqayn doonaan ciidamada DKMG.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ka qeybgalay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada oo lagu shaacinay in Ciidamadan ay si rasmi ah loogu kala qeybiyay Booliska iyo Militariga ayaa sheegay inay qeyb ka tahay dadaalka ay dowlada ugu jirto dib u habeynta Ciidamada qeybahooda kala duwan si loo soo celiyo Amniga iyo kala dambeynta.
Ra’iisul Wasaaraha DKMG Cumar Cabdi Rashiid Sharmarke oo Munaasabadaasi ka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay tahay fursad muhiim u ah dowlada iyo Ciidamadan Cusub ee ku soo biiray loogana baahanyahay inay la yimaadaan karti iyo hufnaan wuxuuna ku booriyay waxkaqabashada Caqabada jira iyo soo celinta kala danbeynta.