Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Danjire Stephen Schwartz oo Muqdisho Tagay


Stephen M. Schwartz
Stephen M. Schwartz

Danjire Stephen M. Schwartz oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta warqadihiisa safiirnimo ku wareejiyay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaalia, ka dib booqsho uu ku tagay magaalada Muqedisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaalia ayaa lagu yiri “Magacaabistiisa Danjire Stephen waxa ay cadeyn u tahay xiriirka xoogan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay in soo noqoshada xiriirka xooggan ee Mareykanka iyo Somalia ay tilmaameyso in Soomaaliya ay u jiheysatay dhanka deganaanshaha iyo horumarka.

Mr. Stephen ayaa loo dhaariyay xafiiska dhamaadkii bishii June, isagoo noqday safiirkii ugu horeeyay ee Mareykanka uu u diro Somalia muddo 25 sanadood ah.

Waxa uu sidoo kale noqonayaa, Safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah tan iyo 1991 ee taga magaalada Muqdsisho.

XS
SM
MD
LG