Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dalabka UN-ka ee Shirkadaha Gaadiidka


Dalabka UN-ka ee Shirkadaha Gaadiidka
Dalabka UN-ka ee Shirkadaha Gaadiidka

Hay'adda Qaramada Midoobay ee caruurta ee UNICEF, ayaa ka codsatay shirkadaha gaadiidka cirka inay lacag la'aan ka dhigaan.

Qaramada Midoobay ayaa shalay shaacisay in saddex goobood oo hor leh oo koonfurta Soomaaliya ka tirsan ay macluul ka dilaacday, iyadoona ka digtay in todobaadyada soo socda ay macluushu ku fidi doonto dhammaan gobollada koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kalena, hay’adda Caruurta ee UNICEF ayaa iyana ka codsatay shirkadaha gaadiidka inay lacag la’aan ka dhigaan amma ay qiime dhimis weyn sameeyaan, si si deg deg ah loogu daabulo sahayda gargaarka goobaha ay ku sugan yihiin dadka abaarta iyo macluushu hayso ee Geeska Africa.

Qaramada Midoobay waxay shalay Arbacadii shaacisay, in macluul ay ka dilaacday, magaalada Muqdisho, Degmada Afgooye, iyo gobolka Shabellaha Dhexe.

Saddexdan meelood ee cusub waxay liiska macluusha la gelayaan gobollada Bakool iyo Shabeelaha Hoose oo ay Qaramada Midoobay horey u shaacisay inay ka jirto macluul.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Degmada Afgooye oo dhanka koonfur galbeed 30KM uga baxsan, ayay Qaramada Midoobay sheegtay in halkaasi ay si gaar ah macluushu u saameysay dad barakacayaal ah oo horey deegaamadoodii uga qaxay abaaro iyo colaado dartood.

Waxaana lagu soo warramay in ay halkaasi ka jirto nafaqa darri heerkeedu uu aad u sarreeyo, iyadoo dadka liitana ay bilaabeen inay dhintaan.

iyadoo xaaladihii ugu dambeeyay ee dhanka abaarta macluusha Soomaaliya ay halkaasi marayaan, ayaa hay’adaha gargaarku ay kor u qaadayaan qeyla dhaantooda la xiriirta sidii loo badbaadin lahaa dadka macluulsan.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo shaqaale ka shaqeeya samafalka, ayaa waxay warbixino ku saabsan abaaraha Geeska Afrika ka hor sheegeen guddi ka tirsan Senate-ka oo ay kula kulmeen Aqalka Congress-ka.

Maraykanka ayaa sheegay inuu khafiifiyay xayiraadaha ku hor gudbanaa hawlaha gargaarka dalka Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay kooxda al-Shabaab ka taliso.

Kooxaha gargaarkuna waxay ku ammaaneen Maraykanka, tallaabadaasi dabcinta xayiraadaha ee uu qaaday.

Hay’adaha gargaarku waxay tilmaameen in gurmadku uu u baahan yahay in dhinac kasta dar dar la geliyo, uuna u baahan yahay in cid kastaa ay ka qeyb qaadato.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee caruurta UNICEF, waxay ugu baaqday shirkadaha gaadiidka dhulka iyo cirka inay lacag la’aan ka dhigaan xamuulka sahayda gargaarka amma qiimo dhimis u sameeyaan, si gargaarka uu u noqdo mid si jooto ah u gaara goobaha ay ku sugan yihiin dadka u baahan ee Geeska Afrika.

Afhayeen u hadashay Unicef, Marixie Mercado waxay ka hadashay qiimaha ay leedahay in gurmadka si deg deg ah loo gaarsiiyo caruur nafaqa darreysan, qarkana u saaran geeri.

“Waxaa jira ilaa 2 milyan iyo 300,000 oo caruur si ba’an u nafaqadarreysan Geeska Afrika. Inka badan kala bar way dhiman doonaan, haddii aanay todobaadyo gudohood gurmad helin. Haddii ilmaha uu helo quudin nafaqeysan, lix todobaad gudohood ayuu ku soo kabanayaa waana uu badbaadayaa, laakiin taa la’aanteed ubadku wuu dhimanayaa. Sidaasi darteed waxaanu weydiisaneynaa shirkadaha gaadiidka cirka inay lacag la’aan ka dhigaan xamuulka, amma qiimaha ku qaadaan ay aad hoos ugu soo ridaan.” Ayay tiri Mercado.

Mercado waxa ay sheegtay in UNICEF ay caawin karto caruurta, haddii ay hay’addeedu u geyn karto caruurtaas cunno gaar ah oo nafaqeysan sida ugu dhakhsiyaha badan. Mercado waxay sheegtay in UNICEF ay hayso 5,000 oo metric tons oo gargar cunto deg deg ah, kuwaasoo ay ku jiraan keydad ku yaalla dalalka Biljam, Farance iyo Italy, kuwaasoo ay sheegtay inay ku filan yihiin in lagu daweeyo 300,000 oo caruur nafaqadareysan.

Waxay intaa raacisay in sahaydaasi saacado godohood loo soo duulin karo Nairobi. Laakiin waxay sheegtay in gaadiidka cirka uu qiima badan ku kacayo.

Waxa ay tiri “Halkii Xamuul oo diyaarad ah, tusaale ahaan wuxuu ku qiimihiisu yahay $350,000, si loo daabulo 100 metric ton oo cunto nafaqeysan, france ilaa Nairobi. Qiimahaasina waa mid aad u sarreeya. Dhabaha kale ee aynu haysanno waxa uu yahay badda, waxaanu diyaarinayaa isku xir, hase yeeshee lix todobaad ayaanu dib u dhaceynaa, taasoo macneheedu yahay in todobaadkiiba u baahannahay 400 oo metric ton in gaadiidka cirka lagu soo duuliyo.”

Xaaladda maalgelineed ee hawlgallada bani’aadamtinimada Geeska Afrika waa mid aad u hooseysa. OCHA waxay sheegtay in codsiga lacageed ee Qaramada Midoobay ee dhabka abaarta la maalgeliyay oo keliya 44%. Waxa uu xafiisku sheegay in si deg deg ah loogu baahan yahay $1.4 bilyan oo dollar.

UNICEF waxay weydiisaneysaa $314 milyan oo dollar iyadoo qeyb ka ah codsiga guud. Ilaa iyo haddana, hay’addu waxay heshay saddex meelood meel, qadarka lacageed ee ay codsatay, taasoo ay sheegtay inuusan wax weyn ka tari karin hawsha loo baahan yahay in la qabto.

XS
SM
MD
LG