Inta la hubo 17 qof la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaallo laba beellood ku dhexmaray deeggaanno ka tirsan maamul-goboleedka Puntland.
Dagaalladan oo xooggoodu ka dhacay deeggaan lagu magacaabo Uurjir oo ka tirsan gobolka Karkaar ee Puntland ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleedyo oo isku haya muran la xiriira dhul daaqsineed.
Waxaa go’an is-gaadhsiinta deeggaanka uu dagaalku ka socdo.
Maamulka Puntland ayaan wali wax war ah ka soo saarin dagaalladan u dhaxeeya labada beellood