Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka Dhacay Muqdisho


Ugu yaraan 15 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 70 qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaallo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dagaaladan ayaa u dhexeeya ciidamada Dowladda kmg ah ee Soomaaliya iyo xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda

Dagaalka oo xoogiisa ka dhaccay dhanka Waqooyi ee Muqdisho ayaa bilowday kadib markii Ciidamo dowlada ka tirsan oo dhawaan tababar ku sooqaatay dalka Uganda oo ay wehliyaan Amisom ay waabarigii hore ee saakay weerar ku qaadeen Fariisino ay ku sugnaayeen Al-shabab oo dhawaan ka baxay gacanta dowlada kmg ah iyada oo dowladuna ay weeararka ka qaaday dhanka Xeebta Liido illaa Mirinaayada oo manta lagu arkayay Taankiyada Amisom.

Degmada Kaaraan oo kaliya ayaa waxaa ku geeriyooday 6 ruux oo ay ku jiraan wiil iyo Aaabihiis kadib markii uu madfac ku habsaday gurigooda oo degmadaasi ku yiilay sida ay Voa da ugu warantay Haweeney ka mid ah dadka degmadaasi ku nool.

Degmooyinka Shibis,Boondheere Yaaqshiid,Hodan iyo Howlwadaag ayaa ka mid ah meelaha ay Madaafiicda ku dhaceen waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 10 ruux iyadoo oo 15 kalane ay ku dhaawacmeen,waxaana dagaalada maanta ay saameyn xoogan ku yeesheen dhamaan adeegyadii guud ee bulshada iyada oo inta badan dadka ku nool dhanka waqoyina aaney maanta ka soo bixin guryahooda sida uu ku waramayo mid ka mid ah odayaasha deegaanka Sanco.

Madaxa gaadiidka gurmadka muqdisho Cali Muuse Sheekh ayaa Voada u sheegay inay qaadeen dhaawacyada 59 ruux oo ku waxyeelowbay dagaalka manta oo ubadan dumar iyo caruur kuwaas oo ay gaarsiiyeen Cisbitaalada Magaalada muqdisho isaga oo xaqiijiyay dhanka kalena inay arkeen dhimashada 6 ruux oo rayid ah.


Dagaalka maanta oo u muuqday mid qorsheysan ayaa marka laga soo tago dhanka waqoyi waxa ay Ciidamada dowqlada iyo kuwa Ahlusuuna ay ku sii siqeen degmooyinka hodan iyo howlwadaag oo mudooyinkaan ay isku horfadhiyeen kooxa ka soo horjeeda halkaasi oo ilaa iyo iminka ay ka soonayaan dagaalo iyo duqeyn goos goos ah.

Afhayeen u hadlay Dowlada kmg ah ee soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka maanta ay kula wareegeen degoominka Skaaraan iyo qeybo ka mid ah C/casiis inkasta oo Afhayeenka Al-Shabab Sheekh Cali Maxuud raage uu beeniyay sheegadaasiwaxaana dagaalka manta uu ku tilmaamay mid ay dowlada iyo Amisom ku qafiifinayso dagaalka ka dhacay qeybo ka tirsan galgaduud.

Si kasta oo ay tahay dagaalka maanta ka dhacay magaalada muqdisho ayaa ku soo beegmayaa xilli manta uu dalka dib ugu soo laabtay Madaxweyne Sheekh shariif iyo wafdi uu hogaaminayo kuwaas oo ka soo qeybgalay shirkii magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

XS
SM
MD
LG