Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe


Dagaallo ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe
Dagaallo ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe

Maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna ayaa dagaal ku dhexmaray Raaga Ceelle. Ahlu-Sunaa ayaa guullo ka sheegatay dagaalkaasi.

Dagaalkan oo galinkii danbe ee xalay bilowday ayaa waxaa la sheegayaa in maleeshiyada Ahlu-Sunna oo garab-sanaya dhalinyaro beeleedyo deegaanka ka soo jeeda ay weerareen fadhiisimo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Raaga Ceelle, ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Madaxa howlgallada ee ururka Ahl-Sunna Sheekh Muqtaar Muuse ayaa warbaahinta u sheegay inay haatan goobtaasi gacanta ku hayaan, isla markaana ay ku raad-joogaan maleeshiyada Al-shabaab ee deegaanadasi ku sugan.

Inkasta oo dhinaca Al-shabaab aysan dagaalkaasi ka hadlin, hadana waxaa la sheegayaa inuu jiro abaabullo dagaal oo Al-shabaabku ay ka wadaan Jowhar iyo Balcad, kuwaasoo doonaya inay dib u qabsadaan degmada Raaga Ceelle.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG