Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka Dhacay Gobolka Bakool


Dagaallo ka Dhacay Gobolka Bakool
Dagaallo ka Dhacay Gobolka Bakool

Dagaallo xooggan ayaa ciidamada DKMG oo ay wehelinayaan Ethiopian iyo kuwa Al-Shabab oo ay wehelinayaan Oromo ku dhexmaraya Rabdhuure.

Dagaal culus ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabab wuxuu ku dhexmaray duleedka degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool

Inkastoo aan la ogayn khasaaraha rasmiga oo uu gaystay dagaalka hadana wararka laga helayo gobalka Bakool ayaa sheegaya in ay jiraan khasaaro soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay

Ciidamada dowladda waxaa dagaalka ku wehliyo ciidamo Ethiopian ah oo aad u hubaysan, halka Al-shabaabna la sheegay in dagaalka ay ku wehliyaan ciidamo Oromo ah kuwaasi oo mudooyinkii ugu danbeeyay soo galayay gobolka Bakool

Dadka rayidka qaarkood ayaa ka barakacay degmada Rabdhuure oo duleedkeeda lagu dagaalamayo waxayna cabsi ka qabeen in ay waxyeelo ka soo gaarto dagaalada socanaya.

XS
SM
MD
LG