Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka Somalia iyo Siyaasadda Uganda


Dagaalka Somalia iyo Siyaasadda Uganda
Dagaalka Somalia iyo Siyaasadda Uganda

Dagaalka ka socda Somalia iyo joogitaanka ciidamada Uganda ayaa saameeyay siyaasadda dalka Uganda.

Saxaafadda gudaha ee dalka Uganda ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay saamaynta ay dagaalada Somalia iyo joogitaanka ciidamada Uganda ee Muqdisho ay ku yeelatay siyaasadda dalkaasi.

Axsaabta siyaasadda ee Uganda ayaa qodabada ugu jira ajandaha waxaa ka mid ah sida ay ka yeelayaan ciidamadooda ku sugan Somalia.

Xisbiga talada haya oo dhawaan dib u magacaabay madaxweyne Yoweri Museveni ayaa tilmaamay in ay taageersanyihiin hawsha ay ciidamada nabad ilaalanita ee Uganda ay ka hayaan Somalia.

Mucaaradka dalkaasi ayaa iyagu qaba in loo baahanyahay in dib loo eego hawsha ay hayaan ciidmada Uganda.

Waraysi ku saabsan arrintaasi oo aanu la yeelanay wariyaha VOAda ee Uganda Xasan Fanax, ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG