Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Ka Dhacay Dimishiq


Mucaaradka Syria ayaa ayaa duulaan aan horey looga baran ku qaaday goob ay dadka dabaqadda sare degenyihiin oo ku taala, Caasimadda dalkaasi ee Dimishi, iyadoo rasaas xooggan ay isweydaarsadeen mucaaradka iyo ciidamada daacadda uu madaxweyne Bashar al-Assad, weerarkaas oo dhimasho dhaliyay.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Syria ee , SANA, ayaa sheegtay in laba ka mid ah dagaalyahanada mucaaradka iyo hal askarta dowladda ah ay ku dhinteen, gaalaka oo ka dhacay waaberigii insiintii shalay degaanka la yirahdo Mazzeh, oo ay degenyihiin safaarado iyo saraakiil sar sare oo dowladda ah.

Hay’ad xuquuqda Aadanaha ee Syria u dooda oo uu fadhigeeduyahay Magaalada London ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhinteen sadex ka mid ah mucaaradka, 18 askarta dowladda ahna ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu ahaa weerarkii ugu dhowaa bartamaha Caasimada Dimishiq ee dhaca tan iyo markii uu bilowday kacdoonka sanad jirka ka badan ee looga soo horjeedo xukunka kali taliska ah ee Asad.

XS
SM
MD
LG