Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka dhacay Duleedka Beledweyne


Dagaal ka dhacay Duleedka Beledweyne
Dagaal ka dhacay Duleedka Beledweyne

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay kaddib dagaal culus oo Al-Shabaab iyo maamulka Dooxada Shabeelle ku dhexmaray duleedka Beledweyne

Sida ay VOA u sheegeen dad goobjoogaaal ah, ilaa 20 ruux ayaa ku geeriyoodey dagaal xooggan oo ku dhawaad muddoo 5 saacadood ah duleedka magaalada Beledweyne ku dhexmaray maleeshiyaadka Al-shabaab iyo maleeshiyo taabacsan maamulka Dooxada Shabeelle.

Dagaalka maanta oo ka bilowda 7-dii aroornimo deegaanka Ceelgaal ayaa saacaddo kadib wuxuu ku faafay buuraha ku teedsan magaalada Beledweyne.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ayaa la sheegayaa inay u badan yihiin dhinacyadii dagaalamay, waxaana la sheegayaa inay jiraan khasaare uu dagaalkaasi gaadhsiiyay dad rayid ah oo ku sugan tuullooyinka lagu dhex-dagaalamay.

Inkasta oo uusan dagaalku gaadhin gudaha Beledweyne, haddana ganacsatada magaaladaasi ayaa bilaabay inay hantidooda kala baxaan magaalada, iyadoo dadka rayidka ahni ay haatan ka barakacayaan magaalada iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku uu magaalada soo gaadho.

XS
SM
MD
LG