Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Soomaali ah oo laga Celinayo Maldives.


Dad Soomaali ah oo laga Celinayo Maldives.
Dad Soomaali ah oo laga Celinayo Maldives.

Soomaalida la celinayo waxaa la sheegay inay iyagu sidaasi dalbadeen, ka dib markii muddo lix bilood ay Jasiiraddaasi joogeen.

Soomaali ku sugan Jasiiradda Maldives ayaa la sheegay in dib loogu celinayo dalka Soomaaliya, ka dib markii dhowr bilood ay halkaasi ku sugnaayeen.

Dib u celinta Soomaalidaasi waxaa Jasiiradda Maldives ay kala kaashaneysaa safaaradda Soomaaliya ee New Dalhi.

Danjiraha Soomaaliya u jooga New Delhi, Ambassador Abyan Ladane ayaa VOA-da u sheegtay inay la soo xiriireen mas’uuliyiin ka tirsan Maldives oo ay ka codsadeen inay kala shaqeyso waraaqo la xiriira socdaalka oo loo sameynayo Soomaalida dib loo celinayo.

Ambassador Abyan ayaa sheegtay in ay sidoo kale la hadashay Soomaalida, ayna u sheegeen inay iyagu dalbadeen in loo celiyo dalkooda.

XS
SM
MD
LG